Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka Socda Dowladda oo Jooga Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo
Magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose waxaa maanta markii ugu horreysay gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya sii-hayaha wasiirka difaaca ee Soomalaiya Xuseen Carab Ciise waxaa ka mid ah, taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo waliba saraakiil kale oo ka socoto AMISOM.

Wafdigan ayaa kulamo ku aadan amniga Kismaayo iyo waliba maamul u sameynta magaaladaasi waxay la leeyihiin saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo.

Imaanshaha wafdigan ayaa imanaya iyadoo ciidamada wadajirka ah ee ku sugan Kismaayo ay maalmihii u danbeyeey wadeen howlgallo ay ku soo qab-qabteen dad aad u fara badan oo ay ku tuhunsan yihiin inay ku xidhan yihiin ururka al-shabaab.
XS
SM
MD
LG