Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Dib u Bilaabay Ololaha Doorashada


Iyadoo ay muddo 6 maalmood ah ka harsan tahay doorashada madatinimada Maraykanka ayaa madaxweyne Obama uu maanta oo Khamiis ah dib u bilaabay ololaha doorashada.

Mr. Obama ayaa u safay gobollada sida weyn la isugu hayo ee Wisconsin, Nevada iyo Colorado, kuwaasoo go'aamin kara in isaga ama ninka ay is-hayaan ay helaan 270 codadka gobollada ee loo baahan yahay si loogu guuleysto doorashada.

Madaxweynaha ayaa hakiyay ololaha doorashada Isniintii kaddib markii ay duufaantii Sandy ay bur-burisay dhulka xeebta New Jersey isla markaana ay khasaaro kale oo weyn gaadhsiisay magaalada New York.


Musharraxa Romney ayaa isaguna dhowr maalmood ka qeybgalay kulamo tabarucaad loogu uruurinayay dadkii ku waxyeeloobay duufaanta.

Mr. Obama ayaa shalay soo booqday New Jersey si uu u soo indho-indheeyo khasaarihii duufaanta, waxaana safarka ku weheliyay guddoomiyaha gobolka Chris Christie, oo madaxweyne Obama ku amaanay sida uu u maareeyey masiibada, inkastoo Christie uu taageersan yahay Romney.
XS
SM
MD
LG