Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siddeed ku Dhimatay Deegaanka Leego


Siddeedan qof ayaa saarnaa gaari nooca yaryar ah oo u kala gooshayey gobolka Bay iyo gobolka Shabeelada Hoose, waxana ku dhacay madfac ka yimid dagaal goobta ka socday.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyey ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Al-Shabab.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Jubadda Hoose Cabdifataax Cabdille Yuusuf ayaa VOA u sheegay in aan la garaneynin cidda madfaca soo ridday. Dadkii dhaawacmay ayuu sheegay in la geeyey cisbitaalka deegaanka.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:00 0:00
XS
SM
MD
LG