Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Cambaareysay Dilka Wariye Axmed Saakin


Laascaanood
Laascaanood
Maamulka Somaliland ayaa cambaareeyay dil xalay loogu geystay magaalada Laascaanood wariye Axmed Saakin Faarax oo ka howl galayay Talafashinka Universal Tv.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay aad uga xunyihiin dilkaasi loo geystay wariyaha.

Dilkan ayaa yimid ka dib markii xalay qarax laga maqlay gudaha magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sadex nin oo bastoolado ku hubeysan ay wariyaha jidka u galeen isagoo ku sii jeeda gurigiisa, xilli uu banaanka u soo baxay si uu wax uga ogaado qaraxa magaalada laga maqlay.

Waxa uu noqonayaa wariyihii ugu horeeyay ee lagu dilo laas caanood, waxuuna ka mid yahay in ka badan 10 wariye oo sanadkan oo kaliya siyaabo kala duwan loogu dilay Somalia.

Warbixin ku saabsan dilka wariyaha iyo jawaabihii laga bixiyay halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00
XS
SM
MD
LG