Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Ansixiyay Ra'iisul-wasaare Saacid


Ra'iisul wasaare Saacid
Ra'iisul wasaare Saacid
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulanka ansixinta ra'iisul-wasaaraha waxaa goobjoog ka ahaa 215 mudane.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan ayaa sheegay in dhamaan 215 mudane ay cod buuxa ku ogolaadeen Raiisul-wasaaraha.

Mr. Saacid ayaa isla markiiba loo dhaariyay xilka, wuxuuna kulankaasi ka sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh sida ugu dhakhsiyaha badan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna kulankaasi ka hadlay, wuxuuna uga mahadceliyay baarlamaanka anisixinta Mr. Saacid.
XS
SM
MD
LG