Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Nairobi


Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafaadda Islii waxaa caawa fiidkii ka dhacay laba qarax.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada amnigu uu ku dhaawacmay.

Qaryadan ugu danbeeyey ayaa ka dhacay waddada Juja oo u dhow kaniisaddii 30-kii bishii September uu ka dhacay qaraxii uu ku dhintay ilmo yar oo 9 jir ah

Booliska ayaa sheegaya inaysa wali kala caddeyn waxa sababay qaraxa.

Nairobi waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo kale duwan, kuwaasi oo ay Kenya ku eedeysay ururka al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya
XS
SM
MD
LG