Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi KMG oo loo Sameeyey Kismaayo


Guddi KMG ah oo ka kooban 12 xubnood oo isugu jira ciidamada dowladda iyo ururka Raaskaanbooni ayaa laga sameeyay Kismaayo. Guddigan ayaa xilkoodu ku egyahay muddo 20 maalmood ah.

Wararka ka imanaya magaalada Kismayao ayaa sheegaya in guddi ku meelgaadh ah oo maamula loo sameeyey magaalada.

Guddigan ayaa ka kooban 12 xubnood oo isugu jira ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ururka Raaskaambooni. Jeneral Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha Ciidamada dawladda ee Jubbooyinka ayaa VOA-da u sheegay in maamulkan uu ku eg yahay muddo 20 maalmood ah.

Guddigan ayaa loo dhisay si uusan u wadaan maamulka magaalada ka hor inta aan maamul rasmi ah loo dhisin magaalada.
XS
SM
MD
LG