Midowga Yurub ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta biladda nabadda adduunka ee sannadkan 2012-ka.
Guddiga xulista abaalmarinta biladda ee Norway ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqay qofka ku guuleystay billaddan.
Guddigan ayaa sheegay in "Midowga Yurub iyo xubnaha ka tirsan ay muddo ka badan 60 sanno gacan ka geysteen horumarinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo waliba xuquuqda aadanaha ee qaaradda Yurub."
Midowga Yurub ayaa taageeray isbeddelka qaaradda ka dhashay ee qaaraddu uga soo baxay goob dagaal una noqotay qaarad nabadeed.
Abaalmarintan ayaa imanaysa iyadoo qaaraddu ay soo wajahayso dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee taariikhda qaaradda soo maray ee dhinaca dhaqaalaha, qul-qulatooyin dhinaca bulshada ah oo ruxay dhowr waddan oo ka tirsan Midowga yurub.