Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynuhu Muxuu ka Yeelayaa Al-Shabab?


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxay dowladiisu ka yeeli doonto ururka al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladdiisa iyo ciidamada AMISOM ee taageerra dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in al-Shabab ay u kala qeybsan yihiin laba qeybood oo kala ah; kuwo Soomaali ah iyo kuwa ajanabi ah.
Xasan wuxuu sheegay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay sababo badan aawadeed ugu biireen al-Shabaab, sababahaasi waxaa ku jira kuwo dhaqaale, amni-darro iyo waliba kuwa ugu biiray ciil la baday darteed, wuxuuse hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay ka shaqeyn doonto sidii arrimahaasi xal loogu heli lahaa,
Xasan wuxuu ugu baaqay in haddii dhalinyaradaasi ay nabadda qaataan ay dowladdiisu soo dhaweyn doonto, balse haddii ay diidaan lala dagaallami doono.
Kuwa ajanabiga ah madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay inay dalka ka baxaan oo ay dalalkoodii ku noqdaan, wuxuuna ku eedeeyay inay yihiin kuwa dhibaatada wada ee al-Shabaab baray dilka loo geysanayo dadka Soomaaliyeed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00
XS
SM
MD
LG