Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Dilkii Safiirkeenii Libya Waa La Soo Qorsheeyay


Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii lagu dilay safiirkii Mareykanka ee Magaalada Benghazi ee Libya iyo sadex muwaadin oo kale oo Mareykanka u dhashay laga yaabo inuu ahaa inuu ahaa mid horey loo sii qorsheeyay.

Saraakiisha waxey sheegeen weerarkan oo dhacay Talaadadii ayna dad qamaamsan oo ku hobeysan gantaalada garbaha laga tuuro ay ku qaadeen Qunsuliyadda Mareykanka ee Benghazi uu u muuqday mid la soo agaasimay.

Laakiin saraakiil kale oo Mareykan ah ayaa aaminsan in cidda fulisay weerarka aan durbadiina heybtooda la sheegi Karin, iyo inay ku soo beegeen sanad guurada weeraradii argagixiso ee 11kii Sebtember sanadii 2001dii.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in ciidamada Libya ay isku dayeen inay difaacaan qunsuliyadda, hase yeeshee laga tan badiyay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhaleeceeyay dilka afarta muwaadin ee u dhashay mareykanka, waxuuna balam qaaday in uu Libya kala shaqeyn doono sidii kuwii weerarka ka dambeeyay loo horkeeni lahaa cadaaladda.

Dhinaca kale dibad baxyo ayaa ka socda Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.
Dibad baxyadan ayaa ka dhashay caro dadku ay ka qaadeen filim dalkan Mareykanka lagu sameeyay oo loogu gefay diinta Islamka iyo Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.
XS
SM
MD
LG