Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiirka Maraykanka ee Libya ayaa la Dilay


Safiirka Maraykanka ee dalka Libya Christopher Stevens iyo saddex kale oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda Maraykanka ayaa la dilay kaddib markii dad cadhaysan ay xoog ku galeen qunsuliyadda Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Benghazi Talaadadii shalay.
Dhimashada ayaa dhacday markii dad dibaxbayay oo ka cadhaysanaa filim lagu sameeyay oo lagu caayay Nabi Maxamaed NNKH ay dab qabadsiiyeen aqalka qunsuliyadda.
Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton ayaa xaqiijisay in sarkaal Maraykan ah lagu dilay weerarka ka dhacay Benghazi, iyadoo weerarkaasi weyn u canbaareysay.
XS
SM
MD
LG