Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir Ku Dhuftay Dalka Philippnes


Dhul Gariir xooggan ayaa ku dhuftay badda hoosteeda meel ku dhow Dalka Philippine jimcihii shalay , kaas si kooban u sababay in la soo saaro digniin ku wajahan Sunami ku dhufata Gobolka.

Hay’adda xog ururinta degaanka ee Mareykanka ayaa sheegtay in dhulgariiskaasi uu cabirkiisu ahaa 7.6 Magnitute Cabirka dhulgariirada, isla markaana ubucdiisu ay aheyd bariga dalka Philippines, qiyaastii 96 kilometer meel u jirta magaalada la yirahdo Sulangan.

Hay’adu waxey markii hore sheegtay in dhulgariirka uu cabirkiisu gaarayay 7.9.
Xarunta digniinta Sunamida ee badda Pacificga ayaa iyana soo saartay digniino ku wajahan dadka reer Philippine, Indonesia, Japan, Taiwan iyo Palau, laakiin waxey ka noqotay digniintii Sunaamida, ka dib markii la gudbay qatartii la filayay.

Saraakiisha dalka Philipines ayaa sheegay dadka ku nool gobolka koonfureed ee Samar inay u baxsadeen dhulka sare, waxayna sheegeen in dhul gariirku uu sababay meelaha qaar in korontada ay ka tagto isla markaana dhismooyin bur bur uu u geystay.
XS
SM
MD
LG