Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo soo Dhaweysay Prof. Jawaari


Diplomaasiyiin la Kulmay guddoomiyaha
Diplomaasiyiin la Kulmay guddoomiyaha
Wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub ee Geeska Afrika ayaa Muqdisho tagay si ay taageero ugu muujiyaan guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa wakiillada Maraykanka iyo UK ee Somalia, iyo wakiillo kale oo ka socda IGAD.
Diplomaasiyiintan ayaa guddoomiyaha cusub u sheegay inay soo dhaweynayaan doorashadiisa sidoo kalena diyaar u yihiin inay baarlamaanka Soomaaliya ay taageero u muujiyaan.
Kulankooda waxay kaloo uga hadleen doorashada madaxweynaha iyo soo dhameystirka baarlamaanka.
XS
SM
MD
LG