Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gen Samatar oo Lagu Xukumay 21 Million oo Dollar


Soomaali Dalbatay Joojinta Dacwadda Cali Samatar
Soomaali Dalbatay Joojinta Dacwadda Cali Samatar
Xaakimka Maxkamadd ku taalla Gobolka Virginia ayaa xukmniyey in toddoba qof oo soo dacwaysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Jeneral Maxamed Cali Samatar la siiyo mag-dhow dhan 21 milyan oo dollar.

Xukunkan ayaa yimid kadib dacwad socotay siddeed sano oo ka dhan ahayd Jeneral Maxamed Cali Samatar.

Toddoba qof oo Soomaali ah ayaa dacwadda soo oogay iyagoo ku eedeeyey Jeneral Samatar inuu shaqsi ahana amray dil iyo jirdil loo qaar ka mid ah dadkaasi iyo eheladooda.

Jeneral Smaatar waa uu beneiyey eedahaasi.

Xukunkan waxaa soo dhoweeyey qareenka u doodaya dhibbanayaasha Kathy Roberts:
Dhinaca kale qareenka difaacaya Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo lagu magacaabo Joseph Peter Drennan ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono Maxkamadda Racfaanka oo uusan ku qanacsaneyn Xukunka.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:03 0:00
XS
SM
MD
LG