Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taariikh-nololeedkii Prof. Maxamed C. Jawaari


Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.
Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.
Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.
Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.
Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP. Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada DAsturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.
Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.
Isaga oo xilka Guddoomiyaha baarlamaanka kula tartamayeen afar murashax oo kale, ayaa waxa maanta Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ku guulesytay inuu noqdo Afhayeenka Baarlamaanka Somalia, baarlamaanka oo noqon doona mid rasmi ah, kadib baarlamaano si KMG ah usoo shaqeynayey, laga soo bilaabo ilaa sanadkii 2da kun oo ahayd markii DKMG ahayd ee ugu horeysay Somalia loogu dhisay magaalada Carta ee dalk Djibouti.
Waxa looga fadhiyaa maareynta baarlamaanka, iyo inuu la shaqeeyo Madaxweynaha iyo RWaha dhawaan la sugayo, howshaas oo ahayd mid aan sahlaneyn marka dib loogu eego dawladihii is xigay xigay ee intii KMG ahayd lagu jiray.

Taariikh-nololeedka Guddoomiyaha cusub oo maqal ah hoosta ka dhageyso.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00
XS
SM
MD
LG