Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Dalka Masar oo Duqeyay Gacanka Siinaay


Saraakiisha amaanka ee Masar ayaa sheegay in ciidamada Miltariga dalkaasi ay weeraro ka fuliyeen meelo ay ku sugnaayeen kooxo mintidiin ah oo ku yaala gacanka Siinaay, weerarkaasi oo ka dambeeyay, weeraro cusub oo dhawaan ay koox mintidiin ah ku qaaday bar kantoroolo ay ciidmadu leeyihiin.

Saraakiishu waxey sheegeen in weeraradaasi oo dhinaca cirka ahaa oo ay fuliyeen maanta oo arbaca ah ay ku dileen ilaa iyo 20 ka mid kooxahaasi.

Weerarada ayaa sidoo kale ku soo beegmay saacado ka dib markii weerar lagu qaaday bar kontorool oo ay ciidamadu ku leeyihiin magaalada la yirahdo El-Arish, oo qiyaastii 50KM u jirta xadka masar ay la leedahay Marinka Qaza iyo Israel .

Milatariga Masar iyo madaxweynaha dalkaasi Maxamed Mursi ayaa wacad ku maray iney gacanta ku dhigaan maamulka dhulka xuduudaha, ka dib markii weerar dhacay axadii la soo dhaafay lagu dilay 16 ka mid ah ilaalada xuduudaha ee Masar.

Masar waxey sheegtay in kooxdii mintidiinta aheyd ee weerarkaasi fulisay ay dooneysay iney halkaa uga gudbaan xadka Israel.
XS
SM
MD
LG