Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Reysulwasaaraha oo ku Biiray Musharixiinta Madaxeynaha


Ra'iisul wasaaraha xukuumadda DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynenimada ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadaysa xubnaha u taagan qabashada xafiiska Madaxweyninimada ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha ayaa ku dhawaaqistiisani waxa ay ku soo begmaysaa xlli ay soo if-baxayaan khilaafaad u dhaxeeya saxiixayaasha Roadmap-ka oo loo aaneynayo inuu salka ku hayo sida loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka oo dood badan ay ka taagan tahay.

Oday dhaqameedyada ku shirsan magaalada Muqdishoo ayaa qaarkood ay sheegayaan in faragalin lagu hayo qaabkii ay xubnaha baarlamaanka u soo xuli lahaayeen oo aaney u madax banaaneyn hooshooda.
XS
SM
MD
LG