Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Caafimaad Ra'iisul-wasaare Zenawi


Sarkaal sare oo Ethiopian ah ayaa sheegay in caafimaadka Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi uu soo fiicnaanayey maalmihii u dambeesay, ka dib markii laga soo daaweeyey xanuun waxa uu yahay aan la shaacin.
Mr. Meles laguma arag fagaarayaasha muddo ka badan hal bil, iyada oo shabakadaha internetkuna ay toddobaadkan wariyeen inuu hogaamiyaha Ethiopia dhintay.
Wareysi uu Arbacadii siiyey telefishanka Ethiopia ayaa Wasiirka Warfaafinta Ethiopia,
Bereket Simon uu diiday wararka la isla dhex marayo, isaga oo sheegay in xaaladda Meles ay aad u fiican tahay, sida uu hadalka u dhigay.
Ma uusan sheegin xanuunka Ra'iisul-wasaaraha iyo halka lagu daweynayo toona, laakiin waxa uu sheegay in Meles uu soo fiicnaaday ilaa markii ugu dambeysa ee saraakiishu ay warbaahinta la hadleen 12 maalmood ka hor.
Warbaahinta ayaa bishii hore tabisay in Mr. Meles uu aad u xanuunsanayo, kuna jiro cisbtiaalka Sainta Luc ee magaalada Brussels ee dalk Belguim.
XS
SM
MD
LG