Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabadha Sacuudiga oo ku Ciyaaraysa Xijaabka


Masuuliyiinta maamuleysa cayaaraha Olompic-ga ee London ka socda ayaa u ogolaaday gabdhaha Sacuudi Arabia ee ka qeyb qaadanaya cayaarta legdanka ee loo yaqaan Judowga ay xirankaraan Masar madaxa la saarto.

Gudigga caalamiga ah ee Olympic-ga ayaa sheegay in Wojdan Shaherkani ay xiran karto xijaab marka ay tartameyso tartanka miisaanka culus ee dumar ee dhaceysa maalinta jimcaha ee soo socota.

Xiriirka caalamiga ah ee Judowga ayaa sheegay in qamaarka madaxa la saarto uu qatar dhalin karo, maxaa yeelay cayaarta waxaa ka mid ah, in cunaha la isqabto iyo xeelado kale oo qabqabsanayo.

Sacuudiga ayaa laba gabdhood oo ka qeybqaata cayaaraha Olompic-ga u diray London, isagoo shuruud uga dhigay iney ku dhegnaadaan labiska Islamiga ah ee dalkaasi.
XS
SM
MD
LG