Toddobaadkan iyo Sawirrada Caalamka Nov 1-5 2010
Boggan waxaan idinku soo bandhigaynaa sawirrada caalamka ee toddobaad walba siyaabo kala duwan wararka caalamka ugu jira. Haddaba la saanqaad oo daawo sawir ahaan isbeddellada toddobaad kasta ka dhacaya Daafaha Dunida.
9
Caruur ciyaaraysa kuwaasoo u dabaaldagga damaashaadka loo dhigo munaasabadda Diwai ee dalka India Nov. 5. 2010
10
Mudane ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Ed Perlmutter oo farxad darteed Biiti ama kaalfooto ciyaara kaddib markii dib loo doortay. Mudanahan ayaa mar kale ku guuleystay kursiga xaafadda 7-aad oo ka tirsan Colorado, Nov. 2, 2010
11
Daadad ka dhacay magaalada Hat Yai ee gobolka Songkhla Thailand. Dowladda Thailand ayaa ciidamo iyo markbka diyaaradaha xambaara u dirtay si ay gacan u geystaan howlaha gurmadka ee goobaha daadadku ku dhufteen. Nov. 3, 2010
12
Wiil yar oo Afghan ah oo daawanaya Askari Mariinis ah oo roondo ku jira xaafadda Sangin, ee koonfurta Kabul, Nov. 3, 2010,