Toddobaadkan iyo Sawirrada Caalamka Nov 1-5 2010
Boggan waxaan idinku soo bandhigaynaa sawirrada caalamka ee toddobaad walba siyaabo kala duwan wararka caalamka ugu jira. Haddaba la saanqaad oo daawo sawir ahaan isbeddellada toddobaad kasta ka dhacaya Daafaha Dunida.
13
Madaxweyne Barack Obama oo dhageysanaya su'aallo lagu weydiiyay xilli uu shir jaraa'di ku qabtay Aqalka Cad. Nov. 3, 2010.
14
Daruurro Madow oo dul taagan Dayax-gacmeedka Discovery. Diritaanka Dayax-gacmeedkan ayaa dib u dhacay khamiistii sababo ay ugu wacan tahay jawiga cimilada oo xun darteed.