Yemen: Burcad-badeed Xukun lagu Ridday

Yemen: Burcad-badeed Xukun lagu Ridday

Maxkamad ku taalla magaalada Mukulle ee dalka Yemen ayaa 12 sanno oo xabsi ah ku xukuntay 13 qof oo burcad-badeed Soomaali ah.

Maxkmad ku taala magaalada Mukalla ee dalka Yemen ayaa 12 sanno oo xadhig ah ku xukuntay 13 qof oo Burcad-badeed Soomaali ah.

Maxkamaddan ayaa bishii October ee 2010-ka ku heshay 13-kan Soomaalida ah danbiyo la xiriira afduub ay u geysteen laba doonyood oo Yemen laga leeyahay taasoo mid ka mid ah ay u isticmaaleen weerarada ay ku qaadaan markaakiibta ganacsiga ee maraya .

Ma aha markii ugu horreysay ee maxkamad ku taalla Yemen ay xukunno ku rido burcad-badeed Soomaali ah. Bishi May ee sannadkii hore 2010, maxkamad ku taala magaalada Sanca ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku xukuntay 6 burcad-badeed Soomaali ah kuwaasoo lagu helay inay qabsadeen markab saliid oo Yementu leedahay isla markaana dileen laba shaqaale ah bishii April ee 2009-kii.

Magaalada Cadan sidoo kale 10 burcad-badeed Soomaali ah ayaa 10 sanno oo xadhig ah lagu xukumay kaddib afduub ay isku dayeen inay u geystaan markab xamuul biyaha dalka Yemen.