Xoghayaha guud ee QM oo wada-hadal ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axaddii ku booriyay Soomaliya iyo Ethiopian inay wada hadal ku xaliyaan muranka ka dhex oogan labada waddan ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradkii badda ee ay Ethiopia laga gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.

Taa beddelkeed, Somaliland -- oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii -- ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Warbixintan waxaa diyaariyey Maxamed Colaad Xassan.

Your browser doesn’t support HTML5

Xoghayaha guud ee QM oo wada-hadal ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya