Baraawe —
Ugu yaraan 10 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal shalay galab ilaa xalay fiidki magaalada Baraawe ku dhexmarayay askar ka tirsan ciidanka daraawiishta Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo ciidanka millatariga Dowladda Soomaaliya.
Dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegay inay yihiin ciidankii dagaalamay, waxaana maamulka gobolka Shabeellaha Hoose uu sheegay inaysan weli ka war hayn khasaare soo gaaray shacabka.
Xaaladda magaalada ayaa hadda degan, balse waxaa weli is horfadhiya ciidankii dagaalamay.
Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray, Mukhtar Maxamed Catoosh.
Your browser doesn’t support HTML5
Xog ku saabsan dagaal dhimasho badan oo ka dhacay Baraawe