Xog horleh oo kasoo baxeysa miino lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya

Ciidamada dowladda

Ciidamada dowladda

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo shalay lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo maraysay inta u dhaaysa Doolow iyo Luuq.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo ilo wareedyo kala duwan oo magacooda codsaday inaan la shaacin sababo dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in tirada dhimashada ay haatan gaartay 11, halka 3 kalena lagu dhaawacay.

Saddexda dhaawaca ah waxaa ka mid ah abaanduulaha guutada 10-aad ee qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Rashiid Bohol.

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanka la weeraray ay samaynayeen hawlgal, isla markaana ay ka saareen al-Shabaab degaan u dhexeeya Doolow iyo Luuq.

Ururka al-Shababa ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa.