Xildhibaanno ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Ceelgaras

Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa ka mid ah saddex qof oo ku dhintay qarax maanta ka dhacay magaalada Ceelgaras oo ay qabsadeen ciidamada dawladda.

Xildhibaan Maxamed Maxmuud (Maxamed Yare) ayaa ka mid ahaa saddexda qof, sida uu idaacadda VOA u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow.

Waxaa sidoo kale qaraxaas ku dhintay mid ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka ee magaalada Dhuusamareeb.

Qaraxan ayaa dhacay iyado ciidamada dalwadda Soomaaliya ay qabsadeen CeelGaras oo ku taal meel u dhaxaysa magaalooyinka Dhhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Ciidamada dawladda ayaa maalmahan hawlgallo ka wado degaannada u dhexeeya Dhhusamareeb ilaa Ceel Buur.

Toddobaadkii hore ayaa degaan u dhow Ceel La Helay lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Haaruun Macruuf ayaa wasiirka warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi khadka telefoonka kula xiriiray.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga wasiirka warfaafinta Galmudug