Wiil Soomaliyeed oo la Kulmay Obama

Wiil Soomaliyeed oo la Kulmay Obama

Dhalinyaro ka kala socotay shan gobol oo dalkan Mareykanka ka tirsan oo uu ku jiro gobolka Soomaalida ugu badan Mareykanka ay ku nooshahay ee Minnesota ayaa shalay kulan Aqalka Cad ee Magaaladan Washington Kula yeeshay Madaxweyne Barack Obama.

Kulankaasi ayaa Madaxweynaha waxa uu dhaliyarada kaga dhageysanayay aragtidooda ku Aadan sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha Mareykanka, shaqa la’aanta dhalinyarada, iyo waxbarashada.

Dhalinyarada waxaa wehliyay min hal salkaal oo ka socday gobolada ay kala matalayeen.

Gobolka Minnesota waxaa kulankaasi uga qeybgalayay Hashim Yoonis oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee magaaladaasi ku nool, waxaana wehliyay duqqa Magaalada Minneapolis.

Wareysi aan haashim la yeelanay halkan hoose ee qoraalkan ka dhageyso.