Wicitaanka Dhagaystaha: Haweenka & Doorashada Somaliland

  • Falastin Iman
Toddobaadkan waxaan barnaamijka ku eegaynaa qaabka ay haweenka Somaliland uga qeyb-galayaan doorashada Somaliland.

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha waxaa ku eegaynaa Haweenka iyo doorashada Somaliland, waxaana ka hadlaysaa arrimahaasi oo barnaamijka marti ku ah Aamino Xaaji Maxamuud ( Aamino Milgo) oo Madax ka ah Daladda isu tagga ururada Haweenka ee (NAGAAD) oo ka dhisan magaalada Hargeysa.

Aamina, waxay barnaamijkan uga jawaabaysaa su'aallo la xiriira qaabka ay ururada Haweenku u dooranayaan musharixiinta xisbiyada u tartamaya madaxtinimada Somaliland iyo xaalada guud ee Haweenka ku dhaqan Somaliland.