Maxkamad ku taalla magaalada Haragysa ayaa ku xukuntay hal sano oo xarig ah weriye Bushaaro Baanday oo xirnayd tan iyo bishii May 15-keedii.
Sida ay sheegeen ehellada iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland, Bushaaro Baanday waxaa sannadka xarigga ee lagu xukumay ku jira ilaa 3 bilood oo ay soo xirnayd.
Hay’adaha xuquuqda saxaafadda ayaa sheegay in Bushaaro Baanday lagu eedeeyey faafinta warar been ah, waxayna ku baaqeen in la sii daayo.