Webiga Shabelle oo ku fatahay tuulooyin hoos yimaada Jowhar

Webiga Shabelle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya, in wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyay dhowr tuulo oo hoos yimada Jowhar.

Fatahadahan ayaa yimid maalmo yar kaddib marki ay hey’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya iyo hey’adda OCHA ee Qaramada Midoobay ka digeen, suurtagalnimada daadad iyo fatahaado ka dhasha roobka Guga iyo wabiga Shabelle.

Haddaba, fatahaaddan ayuu wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab ka wareystay, wasiir ku xigeenka beeraha Hirshabelle, Maxamed Bashir Qasim oo kumagac dheer Daqarre.

Your browser doesn’t support HTML5

Fatahaadaha Webiga Shabeelle