Taliyihii ciidamada booliska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni.
Bishii July ee sanadkii 2021-kii ayuu Farxaan ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday meel ku dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Shan qof ayaa ku dhintay weerarakaas, sagaal kalena wey ku dhaawacmeen.
Dadka yaqaana ayaa ku tilmaama inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo furfuran oo yaqaana xeeladaha maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Haddaba qofka uu ahaa Farxaan iyo waxa uu ka yaqaano ayaa waxaan wax ka weydiiyay taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda Qaranka xildhibaan Yaasiin Fareey.
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysi: Yaasiin Farey oo ka warramay qofka uu ahaa Farxaan Qaroole