Wareysi: Xaggee ayuu marayaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaannada Hirshabeelle?

Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira

Maalmahii lasoo dhaafay maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxay weerar kusoo qaadayeen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, dhulkaas oo horay Al-shabaab looga qabsaday.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhowr jeer kula dagaallamay deegaannada Beerxaano iyo Tarajeento oo uu maro jidka laamiga ah, sidoo kalana ku dhow webiga Shabeelle.

Al-shabaab waxay weli maamulaan dhul ballaaran oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Hiiraan. Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in bisha Maarso ee soo socota la billaabi doono howl-gal dib ugu qabsanayaan deegaannadaasi.

Haddaba, maxaa keenay in Al-shabaab ay mar kale kusoo dhiirradaan in ay weerar kusoo qaadaan, dhulka gacantooda ka baxay? muxuuse yahay qorshaha uga yaalla dowlad Goboleedka Hirshabeelle difaaca dhulkaasi? Su'alaahaasi iyo kuwa kale ayuu wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow waxa uu weydiiyay Wasiirka Amniga ee Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi- Xaggee ayuu marayaa howgalka ka dhanka ah Alshabaab ee Hirshabeelle.mp3