Wareysi: Waa maxay qorshaha Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkan khudbad u jeediyey ciidamo ka tirsan Kumaandoosta Gor Gor iyo Danab oo dhawaan dhameystay tababarkoodii ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay dadaalkeeda ay dalka kaga saareyso kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ciidanka u sheegay in ay yihiin kuwii soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab. Deegaannada howlgallada ugu adag ay ka dheceen waxaa ka mid ah kuwa hoos yimaada Galmudug, iyadoo Al-Shabaab ay deegaannada qaar wali ku sugan yihiin.

Haddaba, muxuu yahay qorshaha xiga ee howlgallada? Arrimahan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Waa maxay qorshaha Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab?