Ganacsato badan oo badeecadaha burka, baastada iyo saliidda kasoo iibsan jiray waddanka Ukraine, una iibgeyn jiray Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa waxaa ganacsigooda saameyn weyn ku yeeshay colaadda Ukraine.
Maxamed Cabdixaliim ayaa VOA u sheegay in in-ka-badan labalaab uu qaaliyoobay qiimaha Burka iyo qamadiga, taasoo sababtay in ay adkaato in la helo ganacsigii sabab la xariiro dagaalka holcayo.
Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ee Turkiga kula xariirtey ganacsade Maxamed Cabdixaliim oo ganacsi ka qaato Ukriane..