Wareysi: Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka

Sacdiya

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji ayaa sheegtay in dad badan ay lama filaan ku ahayd in ay ku guuleysan karto xilka loo doortay dabayaaqadii bishii hore.

Hase ahaatee Sacdiya ayaa sheegtay in ay aaminsaneyd in xilkaasi ay hanan karto.

Wareysi gaar ah oo ay Sacdiyo siisay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayay ku sheegtay in ay ahayd qof mucaarad ah, balse ay haatan awooddeeda isugu geyn doonto inay u adeegto dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Caasha Ibraahim Aadan oo wareysatay Sacdiya ayaa ugu horeyn weydiisay bal inay dadka is barto—Sacdiyo waa qof caynkee ah?

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka