Wareysi: Ehelada dad rayid ah oo ku dhintay hawlgal ka dhacay Galmudug

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in hawlgal ay sameeyeen ciidmaada dawladda Soomaaliya 6-dii bishan lagu dilay 3 ka tirsan hoggaamiyayaasha al-Shabaab.

Marayaknku waxa uu sheegay in nasiib darro hawlgalkaas ay ka dhalatay inay dhintaan isla markaana dhaawacmana dad rayid ah.

Maraykanku waxaa kaloo uu beeniyayay sheegashada al-Shabab ee ah in ciidanka Mareykanka ay ku lug lahaayeen dhibaatadaasi shacabka soo gaartay, balse ay ka jawabeen codsi uga yimid dowladda Federalka oo ku aadan sidii dadkaasi rayidka ah loo soo daad gureyn lahaa.

Goor dambena AFRICOM waxay u sheegtay VOA inay goobta hawlgalka ku dhinteen qof dumar ah iyo saddex carruur ah. Waxay sheegeen inay daad gureeyeen laba carruur ah oo haatan midkood nool yahay.

Haddaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa Khadka telefoonka kula xiriirtay Axmed Maxamuud Shuuke oo sheegay inuu awoowe u yahay carruur ku dhimatay weerarka, isla markaana xaaskiisa oo ayeeyo u ahayd carruurta iyadua ku dhimatay. Waxayna ugu horrayn weydiisay magaciisa.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi aan la yeelanay mid ka mid ah ehelka dad rayid ah oo ku dhintay hawlga

Dhageystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay dhinaca dowladda, saraaiishii aan la hadalnayna ay ku gaabsadeen inay socoto baaris la xiriirta dhacdadan, warna ay kasoo saari doonaan.