Wareysi: Duqa Dhuusomareeb oo ka hadlay xaaladda qowmiyadda Oromada

Dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee ku nool Soomaaliya ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay qeybo ka mid ah Soomaaliya kula kulmayeen dhibaatooyin tan iyo markii ay Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen is-afgaradka badda.

Laanta afka Oromada ee VOA ayaa la hadashay qaar ka mid ah Oromada ku nool magaalooyinka Hargeysa, Gaalkacyo iyo magaalooyin ka tirsan Puntland, iyagoo u sheegay in dadka diidan heshiiska kala kulmayeen hadallo nacayb ah iyo in ay dalkooda ka baxaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayay bulshada Oromada sheegeen in lagu dilay gabar qowmiyaddaaasi ka soo jeeda.

Haddaba dhacdadaasi sida ay ku dhacday iyo guud ahaan xaaladda Oromada ku nool Dhuusamareeb ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow oo ah guddoomiyaha ahna duqa magaalada Dhuusamareeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Duqa Dhuusomareeb oo ka hadlay xaaladda qowmiyadda Oromada