Sanad walba waxaa toddobaadkaan oo kale dunida laga sameeyaa wacyi-gelin la xiriirta xanuunka loo yaqaanno Cagaarshow-ga.
Xanuunkaan oo badanaaba asiiba beerka ayaa waxa uu ka mid yahay cudurrada la is-qaadsiiyo, waxayna dhaqaatiirtu sameeyaan wacyi-gelin ku saabsan sida looga hortegi karo iyo waliba maarayntiisa.
Waxaana la tilmaamaa inay jiraan Soomaali door ah oo la nool noocyada kala duwan ee xanuunkan inkastoo aan la garananaynin tiradooda rasmiga ah.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa xanuunkan ka waraystay Dr. Cabdi Faarax Taano oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl-gala caasimadda Soomaaliya, sidoo kalana u ololeeya sidii cudurkaan dalka looga dabar jari lahaa, waxaana uu ugu horreyn weydiiyay waxa uu yahay cudurkaan Cagaarshow-ga iyo sida lagu ogaado?
Your browser doesn’t support HTML5
Cudurka Cagaarshoowga iyo Soomaaliya