Wareysi: Agaasimaha Hay'adda Duulista oo ka hadlay shilkii diyaaradda Jubba Airways

Diyaaradda Jubba Airways

Dhammaan 36 qof oo saarnaa diyaarad nooceedu yahay Fokker 50 ayaa barbaaday kadib markii ay diyaaraddu gashay shil xilli ay soo degaysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta, ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu ay u kiraysnayd shirkadda Jubba Airsways, hase yeeshee ay ka diiwaangashan tahay dalka Kenya.

Haddaba sida shilkan u dhacay, iyo shaqada garoonka oo dib loo furay kadib makrii muddo kooban loo xiray shilkaas darteed ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraysay Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xasan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Agaasimaha Hay'adda Duulista oo ka hadlay shilkii diyaarada Jubba Airways