|
Magaalada Muqdishu waxaa meelo ka mid ah ka dhacay bannaanbax ay dhigeen taageerayaasha sarkaal ay booliisku sheegeen inuu horey uga tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka oo shalay ay qabteen ciidamada amnigu kadib iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyadiisa. Booliiska ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu halis geliyey amniga, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa sheegay in loola dhaqmay si aan caddaalad ahayn, waxayna dalbanayaan in la sii daayo. Warbixintan waxaa Muqdishu kaoso diray Xasan Kaafi Qoyste.
|
|