Garoowe —
Xaalada magaalada Garoowe ayaa hadda degen kadib dagaal maanta halkaas ku dhex maray ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka.
Xabadda ayaa ka billaabatey magaalada saaka xilli uu baarlamanka Puntland u fadhiyey inuu ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, oo mucaaradka ay diidan yihiin.
Inkasta oo xaaladda ay degan tahay, haddana xiisadda ayaan weli laga gaarin xal rasmi ah.
Dhinaca kale, taliyaha booliska Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii maanta.
Wariyaheena Nuux Muuse Birjeeb ayaa wararkan soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5
Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Garoowe oo dagaal uu ka dhacay