Wararkii ugu dambeeyey shirka wadatashiga ee Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirka ka u socda madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiyiintii horay xilalka sare uga soo qabtay dalka.

Kulanka ayaa waxaa maanta ku biiray guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamanka iyo ra'iisul wasaaraha. Saacadaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira waxyaabaha sida gaarka ah looga dooday ee la isku afgartay.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan kasoo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Wararkii ugu dambeeyey shirka wadatashiga ee Muqdisho