Wararkii ugu dambeeyay ee shirarka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow si kala gooni ah u yeelanaya kal-fadhi ajandihiisu yahay doorashada iyo ansixinta guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in la dhawaan la qabto.

Farriimo loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarda Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah la dooran doono guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban labada aqal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA-da Axaddii ku sheegay in ay si deg deg ah ku qaban doonaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

"Wax kasta waxaan kahor marin doonna doorashada madaxweynaha, si ay u dhameystiranto dowladnimadu" ayuu yiri Sheekh Aaadan Madoobe.

Dhinaca kale, weli ma cadda waxa guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ka yeeli doono muranka ka taagan xildhibaannada gobolka Gedo. "Arrintaas waa iga horeysay, waxaa jiray guddoomiyhii KMG waxyaalo uu meel soo gaarsiiyay. Arrintaas kuma degdegi doonno" ayuu sheegay Sheekh Aaadan Madoobe.

Wixii war ah ee ku soo kordha kulamada Baarlamaanka halkan ayaad kala socon doontaan.