Ururka Alshabab oo lagala Wareegay Afmadow

Ciidamada DKMG ee Somalia iyo kuwa maleeshiyada Raas-kaambooni oo ay taageerayaan kuwa dawladda Kenya ayaa la wareegay Afmadow.

Ciidamadan huwanta ah ayaa muddo sanad ka badan ku hareeraysnaa degmada.

Afhayeen ku hadlay DKMG ah ayaa Idaacadda VOA u sheegay in ciidanka huwanta ahi ay ku soo jeedaan degmooyinka Jilib iyo Bu'aale iyo waliba magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.