Ukraine: Soomaali 80 Gaareysa oo Xabsi ku Jirta

Ukraine: Soomaali 80 Gaareysa oo Xabsi ku Jirta

Somali tahriibayaal ah oo gaareysa ilaa iyo 80 qof ayaa ku jira xabsi ku yaala dalka Ukrain ee Bariga Qaaradda Yurub.

Dadkaasi maxaabiista ah ayaa waqtiyo kala duwan laga soo qabqabtay iyagoo safar ku dhex maraya dalkaasi oo ay doonayeen inay kaga sii gudbaan meelo kale oo Yurub ah.

Qaar ka mid ah ayaa sheegay in dhorw jeer ay cunto ka soomis sameeyeen si ey u soo jeediyaan dareenka masuuliyiinta xabsigaasi iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

Wareysi aan la yeelanay Qaliil Daahir Maxamuud oo ka mid ah dadkaasi xabsiga ku jira halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.