Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho oo dayactir lagu sameynayo

Stadium Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigtay dib u dayactirka dhismaha garoomada kala duwan ee ay ka kooban tahay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsato dhallinyaro ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho oo dayactir lagu sameynayo