Turkiga ayaa hoggaanka u qabtay Group-ka D ee isreebreebka ciyaaraha Euro 2024, kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen gurigooda xulka Wales Isniintii, waxaana goolasha u kala dhaliyay Mehmet Umut Nayir iyo Arda Guler oo badal ku soo galay ciyaarta.
Turkiga ayaa leh sagaal dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen.
Wales oo si lama filaan ah gurigooda uga badisay Armenia toddobaadkii hore ayaa ku jirta kaalinta afaraad iyagoo leh afar dhibcood.
Aaladda VAR ayaa Turkiga ka diidday laba gool, halka ay fursad kale oo rigoore ah iska khasaariyeen Turkidu.
Reuters.