DDS: 800 ayaan ka dilnay maleeshiyada Al-shabaab

Ciidamada loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab ee Gobolka Soomaalda Itoobiya

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dawlada deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed ayaa markii u horaysay la hadlay warbaahinta ciidanka xooga gaarka ah DDS iyo tan Qaranka isagoo ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ay Al-shabaab u gaysteen.

General Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay ka dileen Al-shabaab in ka badan 800 oo dagaalyahannadooda ah oo ay ku jiraan 24 masuul sare sare ah, isla markaana ay qabteen maxaabiis dhan 92 qof waa siduu hadalka u dhigaye.

Warkan waxaa Jigjiga kasoo diray wariyaha VOA Maxamed Cabdiraxman Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

DDS- 800 ayan ka dilnay maleeshiyada Al-shabaab.mp3