Taliska ciidamada Somaliland oo digniin adag u diray siyaasiyiinta

Mucaaradka Somaliland

Laba sarkaal oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Taliska Guud ee Somaliland ayaa sheegay inaanay Ciidamadu arrimaha siyaasada ku shaqo lahayn sidaa darteedna waxay uga digeen siyaasiyiinta inay arimaha Ciidamada faro-galiyaan.

Hadalkan waxaa wadajir u jeediyey Gaashaanle Sare Maxamed Faarax oo ka tirsan taliska booliiska iyo gaashaanle sare Nimcaan Yuusuf oo ka tirsan taliska milatariga.

Arrintan ayaa ka dambaysay iyadoo maalmihii u danbeeyey baraha bulshada lagu faafiyey eedo ahaa inay jiraan askar ku milantay siyaasadda.

Warkan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Your browser doesn’t support HTML5

Taliska ciidamada Somaliland oo digniin adag u diray siyaasiyiinta.mp3