Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa sabtidii shalay ku dhawaaqay inuu go’aansaday in uu isaga tago shaqadiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan, kadib markii ay kooxdiisu guuldaro 5-3 ah kala kulantay kooxda Villarreal kulan ka tirsanaa horyaalka dalka Spain, taas oo ah guuldaradii 3-aad ee kooxdu soo gaarto kulankii ugu dambeeyay. shantii kulan tartamada oo dhan.
Barcelona ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee kala horeynta horyaalka,waxana ay leedahay 44-dhibcood,waxana ay 10-dhibcood ka hooseysaa kooxda hoggaanka heysa ee Real Madrid,halka ay 8-dhibcood ka hooseyso Girona oo ku jirta kaalinta labaad.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhawaaqo in laga bilaabo June 30, aanan mar dambe tababare u noqon doonin Barcelona," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu qabtay Xavi, kadib markii uu la kulmay guddoomiyaha kooxda Barca Joan Laporta.
"Waxaan u maleynayaa in kooxdu ay u baahan tahay isbedel weyn, waxaana u sheegay guddoomiye Joan Laporta" ayuu yiri tababare Xavi.
Xavi waxa uu Barcelona u soo ciyaaray 17 sano ,waxa uu u saftay 767 kulan waxana uu kula guulaystay 25 koob oo ay ku jiraan 4 champions League iyo 8 horyaal oo La Liga ah.
Laakiin inkasta oo ay koox weyn ahayd kuna guulaysteen horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, Barcelona xilli ciyaareeda tacbaanka ah ayaa cadaadis saaray Xavi.
Reuters.